Diyaaradaha dagaalka ee Isbaheysiga Sacuudiga oo weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha Sanca

MUQDISHO-AYAAMAHA-Diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sacuudiga ayaa fuliyay weeraro xagga cirka ah, taas oo ay ugu yeereen bartilmaameedka millateriga ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda ee Sacuudiga, dagaalyahanada ayaa duqeeyay 6 gooboob oo ay ka bartilmaameedsadeen garoonka, kuwaas oo ay gacanta ku hayyaan fallaagada Xuutiyiinta oo garab ka haysta Iran, iyo sidookale qalab loo adeegsado howgallada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Intii uu socday dagaalka Yemen oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen, ayay xoogagga Xuuthiyiinta ku weerareen gudaha Sacuudiga gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ay ku aargoosanayaan duqeymo xagga cirka ah oo ay ka fuliyeen gudaha dalka Yemen.

Duqeymihii maanta ayaa Isbaheysiga Sacuudigu la beegsaday xarumaha laga hago diyaaradaha Drones-ka, iyo guryaha ay degan yihiin shaqaalaha iyo tababareyaasha diyaaradahaas.

Isbaheysiga ayaa dadka rayidka ah u sheegay in ay ka baxaan agagaarka garoonka diyaarahada ka hor inta aysan weerarin, sida ay baahisay walaalada wararka ee dowladda Sacuudiga.

Garoonka Sanca ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii ka caagganaa duulimaadyada rayidka, inkasta oo diyaaradaha Qaramada Midoobay loo oggolaaday in ay kasoo degaan.