Diyaaradaha dagaalka Kenya oo Soomaaliya ku laayay dad isku qoys ahaa

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeymo culus ka geystay saacadihii lasoo dhaafay degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ayaa dilay hooyo lagu magacaabi jiray Sahra Aaden Warsame, halka uu dhaawac kasoo gaaray shan carruur ah oo ay dhashay.

Qaar ka mid ah caruurta ayaa lagu soo warramayaa inuu soo gaaray dhaawacyo halis ah, kuwaa oo la geeyey goobaha caafimaadka ee gobolka, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ahaa.

Ma jiro wax war ah ah oo kasoo baxay dhinaca dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo ku aaddan duqeyntaasi ay waxyeelada kasoo gaartay dadka rayidka ah.