Diyaaradaha kenya oo markale duqeyn culus ka fuliyay gobalka Gedo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa saakay markale diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo culus ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Duqeynta waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaana dadka ku nool tuulooyin hoostaga degmada Ceelwaaq ay sheegeen in saaka waaberigii hore ay ku bilaabatay duqeynta, waxaana degaannada la duqeeyay kunool dad Reer Miyi Xoolo dhaqato ah.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in duqeynta ay ku dhaawacmeen dad rayid ah sidoo kale lagu baabi’iyay Xoolo ay lahaayeen dadka Reer Guuraaga ah.

Todobaadkaan waa markii Saddexaad oo Ciidamada Kenya ay duqeyn ka fuliyaan degaannada hoostaga degmada Ceelwaaq, waxaana weli ka hadlain laamaha Amniga degmada iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Weli Dowladda Federalka iyo sidoo kale maamulka Jubbaland kama hadlin weerarka diyaaradaha kenya ee Soomaaliya.