Diyaaraddo Sidday Ciidamo Farabadan Iyo Ergo Oo Maanta Ka Degay Garoonka Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa duhurnimadii Maanta ka degay diyaarado sidday Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Ciidamada la geeyay Baladweyne ay yihiin Ciidamo gaar ah oo ilaalo u ah Farah Yaasiin Xaaji Daahir oo u sharaxan kursiga Golaha Shacabka ee tirsigiisu yahay Hop#086.

Sidoo kale 2 diyaarado kale oo sidday ergadii dooran lahaa Fahad Yaasiin ayaa waxaa la sheegay in iyagana gaareen Baladweyne, lana dajiyey meel amnigeeda aad lo adkeeyey oo ku dhow Xerada ay degan yihiin Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale isla maanta waxaa Muqdisho laga qaaday dad la sheegay in ay ahaayeen ergadii dooran laheyd Fahad Yaasiin waxaana la dejiyay Saldhig ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin duleedka magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin uu kusii jeedo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Awoodo iska soo horjeedo oo xafiisyada Madaxtooyada iyo Raysal Wasaaraha ah ayaa ka taagan Muqdisho iyo Beladweyne taasoo ku salaysan qabashada doorashada kursiga Hop86.

Tallaabooyinka ayaa imaanaya xili xalay Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay  hakiyeen qabashada doorashada kurisiga Hop#086, balse ay Go’aanka Guddiga diideen Guddiga doorashada Hirshabeelle oo sheegay inay qabanayaan doorashada kursigaas