Diyaaradii Maraykanka ku faani jiray ee F-35 oo burburtay cilladna lagu arkay.

Diyaaraddan waa tan ugu qaalisan uguna casrisan
Diyaaraddan waa tan ugu qaalisan uguna casrisan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Baraha bulshada ayaa lasoo dhigay muuqaal hadal heyn badan dhaliyay oo u muuqda in laga soo duubay qaabka ay u burburtay diyaarad nooceedu yahay F-35 oo ay leeyihiin militariga UK, kaddib markii ay ka duushay markabka diyaaradaha xambaara ee HMS Queen Elizabeth.

Waxaa muuqaalka laga arki karaa duuliye ka booday diyaaradda oo qiimaheedu yahay £100 milyan oo gini, xilli ay kusii dhaceysay badda.

Mar sii horreysay oo bishan gudaheeda ah ayay burburtay diyaarad F-35 ah oo ay leedahay UK kaddib markii ay ka duushay markabka oo howlgallo duullimaadyo ah ka fulinayay badda Mediterranean-ka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Britain ayaa sheegtay in aan weli la gaarin xilligii ay ka hadli lahayd dhacdadaas, waxaana hadda socda dadaallo lagu doonayo in diyaaraddaas lagu soo helo.

Muuqaalka – oo lasoo dhigay Twitter-ka – waa mid noociisa ay adag tahay in la arko, waxaana uu u muuqdaa in laga soo duubay diyaaradda F-35 diyaaradda oo afka cirka u jeedisay xilli ay damacsaneyd inay ka duusho gegida markabka dushiisa ah.

Xilliga ay duuleysay, halkii ay xawaare dheereeya ku ordi lahayd, diyaaraddu waxay sameysay gaabis waxayna toos ugu dhacday biyaha.

Muuqaalka – oo u eg mid ay duubtay mid ka mid ah kaamirooyinka kormeerka ee markabka ku rakiban – ayaa laga arkayaa duuliye ka boodaya diyaaradda.

Ilbiriqsiyo kaddib marka ay diyaaraddu miriqdo, waxaa la arkayaa dallaayad dul dabeyneysa biyaha badda, meel ku aaddan dhinaca hore ee markabka qaada 65,000 ee tan.

Xiili hore oo bishan dhexdeeda ah, Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijisay in uu dhacay burbur diyaaradeed duuliyihiina uu ka badbaaday.

 

Bayaan soo baxay habeennimadii Isniinta ayay Wasaaradda Gaashaandhigga UK ku sheegtay in ay ka war qabto muuqaalka wareegaya baraha bulshada balse waxay sheegtay in hadda aysan ku degdegi karin jawaabta ku aaddan sababta keentay burburka.

Baaritaanno ayaa barbar socda isku dayga lagu doonayo in lagu helo haraadiga burburka diyaaradda.

Waxaa la isla dhex marayay in burburka sababtiisa ay noqon karto dabool matoor oo si khaldan looga tagay diyaaradda dusheeda.

Hadda waxaa kale oo suuragal ah in baaritaan lagu sameeyo sida uu muuqaalkan xasaasiga ah dibadda ugu soo baxay.

Diyaaraddan waa tan ugu qaalisan uguna casrisan ee ay leeyihiin militariga Britain. Waa diyaarado u cago dhigan kara si dhinac dhinac ah oo aan toos ahayn waxayna leeyihiin xawaare aad u dheereeya iyo qalabka raadaarka oo tiknoolojiyad sare ku shaqeeya.

Diyaaradaha uu xambaarsan yahay markabka HMS Queen Elizabeth waxa ay horay uga qayb qaateen howlgallo ka dhacay waddamada Ciraaq iyo Suuriya.

F-35 oo ah diyaarad ay sameysay shirkadda Mareykanka ah ee Lockheed Martin waxay UK ka heysataa nooca B waxaana ka howlgala duuliyeyaal ka tirsan ciidanka cirka ee boqortooyada iyo ciidanka badda ee boqortooyada, kuwaasoo saldhig ku leh xarunta RAF Marham ee ku taalla Norfolk.

Source: BBC