Diyaargarowgii ugu dambeyay kulanka Labada Aqal ee Baarlamaanka oo socda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelandoona kulan wadajir oo ku saabsan doorashada guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankaan ayaa ka dhicidoona xarunta aqalka sare, waxaana xildhibaannada labada aqal loo sheegay inay kasoo qeyb galaan kulankan oo ah mid muhiim ah.

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maanta barlamaanka labadiisa aqal uu iska dhexdoorto, islamarkaana isla maanta lagu dhawaaqo jadwalka doorashada madaxweynaha iyo sharuudaha laga rabo musharraxiinta isku diiiwaan galinaysa.

Waxaa Xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla Madaxtooyada Soomaaliya ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee qabsoomida Kulanka Maanta e Golaha Shacabka, kaas oo lagu Magacaabi doono Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xildhibaannada uu muranka ka taagan yahay ee lagu doortay Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa kusii hormaray Xarunta Villa Hargeysa oo Maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka kulan ku yeelanayaan.

Todobaadkii hore ayaa sidaan oo kale Xildhibaannada laga soo doortay Ceelwaaq & Garbahaareey ay wada galeen Xarunta Villa Hargeysa, taas oo buuq ka dhalisay kulankii Golaha Shacabka.