Donald Trump oo laga qaaday Baasaboorkii Maraykanka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-FBI-da Mareykanka ayaa toddobaadkii hore baaritaan ku sameysay guri uu leeyahay madaxwaynihii hore ee dalkaas Donald Trump, kaas oo ku yaalla gobolka Florida. Baaritaankaas waxay hay’addu ku heshay dukumiintiyo sir ah oo lala xiriiriyay inuu si qaldan u maamulay xogtii dowladda markii uu xafiiska ka tagayay.

Dukumiintiyada guriga laga soo saaray oo gaarayay 11 warqad ayaa lagu tilmaamay kuwo ‘wax u dhimi kara amniga qaranka’.

Trump wuxuu beeniyay inay jiraan waxyaabo qaldan oo uu sameeyay. Wuxuu sheegay in dhamaan dukumiintiyada la xafiday oo wax dhibaato ah aysan jirin.

Dhacdadaas ayaa diiwaanka ku gashay inay tahay markii ugu horreysay ee baaritaan dambi la xiriira lagu sameeyo madaxweyne hore oo Ameerikaan ah, sidoo kalena la baaro gurigiisa.

FBI-da oo adeegsanaysay warqad sharci ah oo u oggolaanaysay baaritaanka ayaa sheegtay in guriga laga soo saaray in ka badan 20 sanduuq oo ay ku jireen sawirro, dukumiintiyo gacanta lagu qoray iyo macluumaad aan la cayimin oo ku saabsan “Madaxweynaha Faransiiska”.

Sababta looga qaaday baasaboorka

Waxaa la shaaciyay liiska waxyaabaha laga soo saaray guriga Trump. Dhinacyo kala duwan ayaa horay looga eegay arrinta sida saameynta ay tallaabadaas ku yeelan karto dib isu soo sharrixidda Donald Trump.

Hase yeeshee, Isniintii la soo dhaafay ayuu madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump sheegay in FBI-du ay ka qaadatay saddex baasaboor oo uu lahaa intii lagu guda jiray weerarka gurigiisa. Tallaabadaas waxaa caadiyan la qaadaa oo keliya haddii ay baareyaashu ka baqaan in qofka uu dhuunto ama uu dhoofo.