Dood adag iyo hadal ka dhalatay hooyo horteeda lagu dilay wiilkeeda!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa martigaliye u noqonayee dilalka xaqdaradaa ee Lagu hayo shacabka somaliyeed kuwaas oo ay gaystaan askar ka tirsan kuwa dowlada Somalia.

Maanta askari ka tirsan ciidamada dowlada ayaa fagaare ku toogtay arday dhawaan dhameeyay jaamacad kadibna
Kadib markii dhulkiisii hooyo ka waayay shaqo
bilaabayay  inuu ku shaqaysto mooto bajaaj.

Askariga ayaa wiilkan oo ahaa Bajaajle dilka ugu gaystay isgoyska Holwadaag ee Magaalada muqdisho kadibna uu goobta ka baxasaday.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xeyle iyo Askariga ayaa waxaa dhexmaray muran sida ay goobjoogayaal sheegeen, waxaana Maxamed Xeyle xilliga la dilayay uu mootada ku waday Hooyadiis iyo Walaashiis oo sida lasheegay uu hospital uwaday.

Qaar kamid ah Ehelkiisa ayaa sheegay in Maxamed Xeyle oo kamid ahaa dhalinyarad kunool Xaafadda Gubta ee degmada deeyniile uu dhawaan ka qalin jebiyay mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho, balse markii uu Shaqo ka waayay muqdisho ay ehelkiisa u iibiyeen Mooto Bajaajta.

Dilka darawalka Bajaajlaha kadib ayaa qaar kamid ah wadayaasha mooto bajaajta ee goobta ka agdhowaa waxaa ay sameeyeen bannaanbax carro leh oo ay uga soo horjeedaan dilka Maxamed Xeyle, iyaga oo dalbaday in si deg deg ah cadaaladda loo horkeeno askarigii dilka geystay.

Sikastaba ha ahaatee Aun xayle ma ahan darawalkii ama ardaygii ugu horeeyay Ee Muqdisho Lagu dhilo hasa ahaatee dilka ay shacabka ugaysanayaan askartii ilaalinaysay ayaa isa soo taraya

Bilowgii Bishan January ayay ahayd markii askari ka tirsan ciidamada dowlada oo 5 oo shilin Somalia udilay muwadin somaliyeed oo ganacsatada.