Dood adag oo ka dhalatay magacaabista Mukhtaar Rooboow iyo Xukuumadda oo ka hadashay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha ahna afhayeenka xukuumadda Farxaan Jimcaale oo u waramay Warbaahinta ayaa caddeeyay in dowladdan ahmiyad siineyso amniga.

“Ahmiyada koowaad ee xukuumadan waa xorreynta dalka waana sababta loogu soo daray mudane Abuu Mansuur,” ayuu yiri isaga oo ka jawaabaya dooda ka dhalatay magacaabida Abuu Mansuur.

Baraha bulshada ee internetka kuwa gudaha iyo caalamka ayaa aad looga hadal hayaa magacaabista Mukhtaar Rooboow, iyadoo dad badan ay kasoo horjeestteen.

Abuu Mansuur oo kamid ahaa aas-aasayaasha Al-Shabaab ayaa kasoo muuqdey liiska golaha wasiiradda xukuumadda Xamse Cabdi Barre isaga oo loo xushay wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Mukhaar Roobow Cali oo loo yaqaano Abuu Mansuur ayaa ku dhashay magaaladda Xudur bishii October, 1969. Roobow ayaa 1990-kii ku bartay shareecada Islaamka Jaamacadda Khartoum ee dalka Suudaan.

Aas-aasayaasha Al-Shabaab ee sanadkii 2009 ayuu kamid ahaa. Hogaamiye ku xigeen iyo afhayeenka maleyshiyada ayuu noqdey. Kadib wadahadalo, Mareykanka ayaa bishii June, 2017 ka saarey liiska dadka uu raadinayo. Dowlada ayuu isku soo dhiibay 2017-dii.

Hogaaminta Koonfur Galbeed ayuu isku soo sharaxay December, 2017. Balse maamulkii waqtigaas jiray oo ka diidey ayaa xiray. Tan iyo waqtgaas, wuxuu ku jiray xabsi guri.

Shan sano ka hor, wareysi uu siiyay buugga Inside al-Shabaab ayuu ku sheegay inuu tababar ku soo qaatey xero AlQaacida ku leedahay Afgaanistaan 11-kii September, 2001-dii.

Roobow ayaa sanadkii 2006-dii kusoo caan baxay xilka ku xigeenka madaxa difaaca ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya, xiligaasi oo kooxdan ay si ku meel gaar ah ula wareegeen gacan ku heynta inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kadib markii ay jabiyeen isbaheysigii hogaamiye kooxeedyadii Mareykanka taageerayey.