Dood adag oo ka socota hoolka Baarlamaanka Soomaaliland iyo xaaladda oo cakiran.

Baarlamaanka SomalilandMUQDISHO-AYAAMAHA-Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland ayaa waxaa ay dood ka taagan tahay xeerka furista ururrada siyaasadda oo uu dhawaan madaxweynaha ku celiyay baarlamaanka.

Qaar ka mdi ah xildhibaannada ayaa doonaya in aan xeerkaasi laga doodin oo sidiisa lagu dhaqan geliyo halka kuwo kale ay doonayaan in golayaasha la horgeeyo oo laga doodo.

Balse 28 xildhibaan oo doonaya in aan laga doodin xeerkaasi ayaa saaka gudbiyay mooshin ay ku doonayaan in xeerkaasi sidiisa lagu dhaqan geliyo.

Dhanka kale waxaa jira xildhibaanna doonaya in xeerkaasi laga doodo oo waliba la furo ururrada siyaasadda oo aan mar dambena dib loo xirin.