Dood dheer kadib Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Miisaaniyadda 2022.

MUQDISHO-AYAAMAHA- Mudanaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyay miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka,waxaana Haa ku ogolaatay 204-xildhhibaan.

Ka doodista Miisaaniyadda ayaa qaadatay saddex maalmood iyadoo malmahan uu Wasiirka goobjoog ahaa oo la weydiinayay su’aalo la xiriiray sida loo isticmaalay Miisaaniyadda dalka.

Mudanayaasha labada Aqal ee Golaha Shacabka BJFS iyo Aqalka Sare oo kulan wadajir ah yeeshay ayaa ansixiyay maanta miisaaniyadda Qaranka ee 2022-ka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada ayaa yiri;

Waxaa ogalaaday: 204 Xildhibaan.
Waxaa diiday: 2 Xildhibaan.
Waxaa ka amuusay: 2 Xildhibaan.

Doodaha ayaa ahaa kuwa isdaba joog ah waxaana xusid mudan in wali mad madow badan uu ka taagan yahay sida loo isticmaaliyay miisaaniyadihii hore.