Dood ka dhalatay hadalkii Saciid Deni ee gooni u goosadka Puntland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warsaxaafadeed kasoo baxay Dawlad Gobolleedka Puntland ayaa looga hadlay arimaha federaalka Soomaaliya iyo go’aankooda dawlad dhiska qaabka loo wajahayo.

Qoraal ka kooban seddex Bog oo lagu faafiyey barta Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay sida ay wakhtiga badan ugeliyeen dib udhiska ciidanka iyo Dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya yeelatay 18-kii sano lasoo dhaafay.

Qoraalkan ayaa muujinaya in Puntland ay si toos ah xiriirka ugu jartay Villa Somalia oo waayadan danbe khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyay.

 

Xalay ilaa saaka baraha bulshada iyo goobaha lagu shaaheeyo waxaa aad looga hadal hayaa warkan kasoo yeeray Saciid Deni oo hogaaminaya Maamulka Puntland iyo damaca ah inay noqoto dowlad ka madax banaan dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Marar badan Maamulka Puntland waxaa ka soo baxay hadal lamid ah midkan Saciid Deni ku dhawaaqay shalay, waxaana Puntland loo arkaa maamulka keliya ee raba in dowladda Soomaaliya ay kala go’godo! meeshana laga saaro dowlad awood badan oo Soomaaliya yeelato.

Maamulada kale dadka ka jira marnaba kuma dhiiradaan hadal lamid ah midka Puntland.