Doorashada 16 kursi oo ka mid ah golaha shacabka oo la hakiyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku baaqey in la joojiyo doorashadda 16 kursi oo kamid ah kuwa Somaliland, taasoo ka dhacday Muqdisho kadib markii loo mari waayay hanaanka iyo habraaca lagu heshiiyay sida ku cad qoraal uu soo saaray gudoomiyaha Aqalka sare.

Waxaa lagu sheegay ujeedka loo hakinayo kuraastaas inay tahay hubinta habsami u socodka doorashada iyo sugnaanta doorasho ku dhacda si xor iyo xalaal ah oo daah-furan, waafaqsana habraacyada doorashada ee lagu heshiiyey.

“Waxaa lagu wargelinayaa Guddiga hir-gelinta doorashooyinka dadban ee goboladda waqooyi (SEIT) iyo guddiga hir-gelinta doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) in la joojiyo gebi ahaanba faafinta kuraasta 16-ka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.