Doorashada Aqalka Sare ee HirShabeelle oo Maanta ka dhaceysa Jowhar

Doorashada Aqalka Sare ee HirShabeelle

JOWHAR-AYAAMAHA-Waxaa maanta lagu wadaa in Xildhibaannada Baarmaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ay doortaan Xubno kamid ah Xildhibaannada Hir-Shabeelle ku matala Aqalka Sare .

Ku dhawaad 27 musharax oo u tartamaya 8 kursi oo kamid ah Aqalka Sare ayaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle waxaa ay u jeediyeen khudbadahooda musharaxnimo, iyaga oo soo bandhigay waxyaabaha uu qof walba qaban doono hadii uu guuleysto.

Saddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hir-Shabeelle ayaa doorashadoodu tahay mid xiiso gaar ah leh, waxaana difaacanaya Sanoterada kala ah, Muuse Suudi Yalaxoow, Dr Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Naciimo Ibraahim, kuwaas oo ku fadhiyay kuraastaan Afartii sano ee la soo dhaafay.

 

Doorashada Aqalka Sare ee HirShabeelle