Doorashada Golaha Shacabka oo la billaabay iyo D/Goboleedyada oo loo diray agabkii doorashooyinka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shir saxaafadeed uu goordhaw qabtay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay bilaabeen qorshihii lagu dardargalin lahaa hanaanka doorashooyinka dalka.

Waxaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in todobaayada innagu soo aaddan doorashada Golaha Shacabka ay si rasmi ah u bilaaban doonto.

Dowlad Goboleedyada dalka ayuu sheegay in ay maanta bilaabeen in loo diro agabka doorashooyinka oo dhameystiran deegaanada loo qorsheeyay in ay doorashooyinku ka dhacaan.

Gudoomiyaha ayaa xusay in sidoo kale doorashada gobolada waqooyi ay si rasmi ah u bilaabatay lana doortay labo kursi inta dhimana la dooran doono inta bishaan ka dhiman.

Dhanka kale waxaa hadalka Gudoomiyaha uu ku soo aadayaa xili manta Ra’isulw waasare Rooble uu ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada dalka iney bilaabaan doorashada Golaha shacabka.