Doorashada Golaha Shacabka oo labillaabi doono & Magaalada ugu horreeysa ee laga billaabayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in qorshuhu yahay in Magaalada Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed ay noqoto goobta ugu horreeysa ee lagu qabto doorashada Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay in ujeedka socodkooda uu ahaa inay qiimeeyaan xaaladaha ay ka dhaceyso doorashada & amnigooda, sidoo kalena ay kala kulmeen wax ka duwan wixii ay ka filayeen.

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay xilligaan u diyaar garoobeeyso in lagu qabto doorashada Golaha Shacabka ee Aqalka Hoose.

Shalay waxaa degmadaasi booqday Ra’iisul Wasaaraaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayeen Xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka Heer Federaal.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay inay kormeereen Goobaha ay ka dhacayaan doorashada goobaha ay degayaan Xubnaha wax dooranayaan, isla markaana amnigooda ku qanceen.