MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa socda diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee qabashada doorashada guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo maanta lagu wado inay ka dhacdo Muqdisho
Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee loogu diyaar garoobayo doorashada ayaa hadda socoto, waxaana hoolka doorashada ku sugan Xildhibaanada oo horay loogu wargaliyay in ay soo xaadiraan si ay u doortaan Guddoonka aqalka sare.
Ammaanka guud ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Gddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare Senator Adam Abdinasir uu horay shaaciyay in maanta ay qabanayaan doorashada, xili uu kormeer ku sameeynayay Hoolka Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.
Guddiga doorashooyinka ayaa horay u shaaciyay in maanta oo ay taariikhdu tahay 26 April 2022 la qabanayo doorashada guddoomiyaha Aqalka sare, halka 27-ka oo ah berrina lagu wado in la doorto guddoonka golaha shacabka ee BFS.