Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo goordhow bilaabatay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Teendhada Afisiyooni ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa la filayaa inay goordhow ka bilaabato doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka 1aad iyo labadiisa kuxigeen.

Doorashada oo la filayay inay saaka dhacdo ayaa dib uga dhacday kadib khilaaf soo kala dhex-galay taliyeyaasha Hay’adaha Amniga & Ra’iisul Wasaare Rooble, balse ugu dambeyn la xaliyay.

Waxaa soo xaadiray dhammaan Musharaxiinta u tartameysa Guddoonka Golaha Shacabka oo ugu horreeyo Musharax Sheekh Aadan Madoobe oo ah musharaxa ugu cad inuu ku guuleysto guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Doorashadan ayaa   iyo maanta waxaa soo wajahday qabado farabadan tan ilaa xalay markii Ra’iisul wasaare Rooble sheegay in Ammaanka Doorashada lagu wareejiyo ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, halka Taliyaha Booliska Soomaaliya labo jeer uu shir jaraa’id uu qabto ku sheegay inay ammaanka doorashada la wareegayaan markalena shaaciyey in ammaanka doorashada qaadi karin ciidamada Booliska dibna loo dhigo, balse arrintaas waxaa ku gacan seeray RW Rooble.