Doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo laga wareejinayo Villa Hargeysa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaa sheegay in goob aan aheyn xarunta Villa Hargeysa uu Baarlamaanka ku shaqeeyo aan lagu qaban doonin doorashada guddoonka gollaha shacabka ee lagu wado in ay dhacdo 27-ka bishan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in doorashadda guddonka ka dhaceyso meel ammaan ah oon aheyn xarunta ay hada ku shiraan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in kulamadii ugu dambeeyey ay xarunta ku dhaceen falal amni darro sida hoobiyeyaal lagu soo tuuray dhismaha Villa Hargeysa, xilli uu socday kulanka Baarlamaanka iyo shalay oo ay ugu dambeysay oo xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ka guddi ahaan dadaal badan u galeen shalay sidii ay u hagaajin lahaayeen qaboojiyaasha si uusan u baaqan kulan xildhibaanada gaar ahaan hadal jeedinta musharaxiinta.

Xildhibaano sidoo kale ka hadlay arrintan ayaa sheegay in la doonayo in la qal-qal geliyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka, kadibna looga faa’iideysto dano gaar ah.

“Sida ay wax u dhaceen in ay ula kac ahayd iyo in ay wiifto ku dhacday labaduba ma sheegi kari balse markii aan tagnay xarunta ayaa naloo sheegay in xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha, maalintii dhawaad Hoobiye ayaa soo dhacay, waxaa xigay Qaboojiyaha oo xabad ku dhacday, waxa aan ku dedaalnay in aanay dib u dhicin hadal jeedinta oo aan qabaneyno maalintii 2aad, dabcan waan baddeli doonaa goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka” Ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed.