Doorashada Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Aqalka Sare iyo wareeg Labaad oo loo gudbay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa goordhaw soo dhammaatay wareegii koobaad ee doorashada guddoomiye kuxigeenka labaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku tartamayeen ilaa 7-musharax.

Doorashada ayaa aheyd mid adag oo musharaxiinta soo galeen olole xooggan, hasa ahaatee waxaa wareega labaad ku haray ilaa saddex musharax halka wareega labaad ay isugu soo hareen afar musharax.

Senator Cabdullaahi Cali Xirsi ( Tima Cadde) oo laga soo doortay Puntland ayaa hoggaaminaya wareega koobaad ee doorashada , waxa uuna helay 16-cod halka musharaxa kusoo xiga Cabdullaahi Sheekh Fartaag uu isna helay 12-cod.

Musharaxiinta kale ayaa codadka u kala helay sida tan.

Ilyaas Badel Gaboose. 7-cod

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)  12-cod

Cabdullaahi Cali Xirsi ( Tima Cadde) 16-cod

Cabdi Cusmaan Xareed 4-cod

Sareedo Maxamed Xasan Jeyte 4-co

Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade) 4-cod

Xasan Xuseen Xaaji. 5-cod

Waxaana wareega labaad ee doorashada ku tartamaya afarta musharax ee ugu codka badan kuwaa oo wareeg kale ku tartamaya, waxaana la saadaalinayaa in doorashada kusoo bixi doono midkooda Senator Timacadde ama Fartaag.