Doorashada Guud ee Itoobiya oo saaka bilaabatay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saaka subaxnimadii hore ayaa meelo badan oo Itoobiya kamid ah waxaa ka bilaabatay Doorashada guud ee dalkaas, marka lag reebo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Dadweyne farabadan ayaa buux dhaafiyay goobaha codbixinta laga bilaabo subaxa hore, waxayna sugayeen markooda si ay uga qeyb galaan howlaha codbixinta taariikhiga ah.

Dadka ku nool magaalooyinka Jimma iyo Agaro ayaa durba bilaabay inay codkooda dhiibtaan iyadoo degmooyin badan ay durba albaabada u fureen codbixiyeyaasha. Codbixiyaasha magaalooyinka Adama iyo Debre Birhan iyo Waqooyiga Shewa Zone ayaa bilaabay inay dhiibtaan codkooda.

Boqolaal kun oo cod bixiyayaal ah oo ku nool magaalooyinka waaweyn oo ay ka mid yihiin Addis Ababa iyo Dire Dawa ayaa dhiibtay codadkooda, iyada oo  Caalamka uu isha ku haayo ka qaybqaadashada doorashada ka socota Itoobiya.

Kormeerayaasha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah iyo warbaahinta ayaa jooga goobaha codbixinta ee dalka Itoobiya oo dhan.