Doorashada hal kursi oo maanta ka dhaceysa Beledweyne.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku qabanaya doorashada kursiga Hop#39, kaas oo jadwalkiisa ay xalay shaaciyeen.

Guddiga ayaa soo saaray Guddiga xulista Ergada, iyada oo isla Maanta diiwaangelinaya musharrixiinta kursiga Hop#039 sidoo kalena qabanaya doorashadiisa.

Kursiga Hop#039 ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ku fadhisay Drs Maryan Axmed Haaruun taas oo markale dooneysa inay u tartanto.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa Magaalada Beledweyne kaliya uga harsanaan doona Kursiga Hop#135 oo ay ku fadhin jirtay Alle ha u Naxariistee Aamino Maxamed Cabdi iyo lix Kursi oo doorashadooda lagu qabanayo Jowhar.