Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka socota Garoowe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo Jimco ah Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa ka socota doorashada lixdii kursi ee igu dambeeysay kuraasta taalla degaannada Maamulka Puntland.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa Maanta soo geba-gabeeynaya doorashooyinka Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa degaan doorashadoodu tahay Puntland.

Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse, ayaa ku guulaystay Kursiga HOP073 ka dib markii Musharaxii la tartamayey ee Cabdullaahi Cabdi Jaamac uu tartanka isaga haray doorasho oo lagu qabtay Xerada 54 aad ee Magaalada Garoowe.

Doorashada Soomaaliya ayaa dhowr jeer dib u dhacday waxaana lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo bishaan Maarso ee aan ku jirno, waxaana la qorsheynayaa in la billaabo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo tan Madaxweynaha.