Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo ka socota Magaalada Baydhabo

BAYDHABO-AYAAMAHA-Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa ka socota doorashada kuraas kamid ah golaha Shacabka, waxaana goordhow la doortay kurisgii ugu horreeyay ee doorashada maanta,iyada oo qorsuhu yahay in la doorto ilaa lix kursi.

Kursiga Koowaad ee Hop#099 ee Golaha Shacabka ayaa waxaa maanta ku guuleystay Axmed Madoobe Nuunow oo uu dhalay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka dowladdii KMG aheyd ee Madoobe Nuunoow Maxamed, wuxuuna helay codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayey Cabdinasir Ibraahim Aadan 25-cod.

Doorashada ayaa weli ka socota Magaalada Baydhabo waxaana hadda socota doorashada kursiga labaad, iyada oo Maanta Magaalada baydhabo lagu dooranayo lix kamid ah 13 kursi ee Golaha Shacabka uga harsan Maamulka Koonfur Galbeed.