Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta lagu qabanayo Baraawe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa Maanta lagu wadaa in degmada Baraawe oo ah goobta degaan doorashada labaad inay ku qabtaan doorashada 7 kamid ah kuraasta golaha Shacabka oo kamid ah 13 kursi oo dhawaan Guddigu sheegay in la qabanayo doorashadooda.

Guddiga ayaa shalay diiwaangeliyay 26 musharrax oo Maanta iyo beri ku tartami doona 13 kursi ee Golaha Ahacabka, waxaana kuraasta la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

1: Hop#165 oo ay ku tartami doonaan Saalim Calihow Ibroow oo kursigaan horay ugu fadhiyay & Aadan Cusmaan Xasan.

2: Hop#161 oo uu horay ugu fadhiyay Sayid Cali Cabduqaadir Macalin balse ay ku tartami doonaan Yuusuf Aadan Maxamed & Cabdullaahi Cismaan Faarax.

3: Hop#044 oo ay hadda ku fadhiso Safiya Xasan Nuur, waxaana ku tartamaya Maryan Maxamed Cali iyo Faadumo Xasan Cumar.

4:Hop#080 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Maxamed Cumar Dalxa oo meesha laga saaray, waxaana ku tartami doona Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaam Jibriil.

5:Hop#250 oo uu ku fadhiyo Maxamed Saciid Cabdullaahi, balse ay ku tartami doonaan Cabdalla Maxamed Shariif & Cali Maxamed Sheekh Maxamed.

6: Hop#160 oo uu hadda ku fadhiyo Nuur Siidow Baaba ayaa waxaa ku tartami doona Maxamed Yuusuf Xuseen iyo Cali Abuukar Maxamed.

7: Hop#150 oo uu ku fadhiyo Xasan Cismaan Xuseen (Qoryooleey) ayaa waxaa ku tartami doona Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhure iyo Maxamed Cali Cabdiraxmaan.

8: Hop#155 oo ay ku tartami doonaan Jawaahir Cadaawe Cabdi oo kursigaan hadda ku fadhiso iyo Maariya Maxamed Cabdiraxmaan.

9: Hop#153 oo uu ka geeriyooday Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil , waxaana ku tartami doona Farxiyo Maxamed Cabdi iyo Aniso Maxamed Xasan.

10: HopHop#152 oo uu ku fadhiyo Cabdullaahi Cumar Abshir ayaa waxaa ku tartami doona isla Cabdullaahi Axmed Abshir iyo Axmed Xasan Veedi.

11: Hop#151 oo uu ku fadhiyo Cabdullaahi Xuseen Cali ayaa waxaa ku tartami doona isla Cabsullaahi Xuseen Cali iyo Mahad Cali Axmed.

12: Hop#016 ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ku fadhiyay Aamin Sheekh Cusmaan, waxaana ku tartami doona Xuseen Cali Xaaji oo kasoo wareegay dhinaca Aqalka Sare & Ismaaciil Xuseen Axmed.

13: Hop#173 oo uu ku fadhiyay Cusmaan Xaaji Cali, waxaana ku tartami doona Candifitaax Cabdulle Caraaye & Cabduwahaab Cali Axmed.

Maalinta berito ah ayaa sidoo kale la filayaa in degmada Baraawe lagu doorto 6 kamid ah 13 kursi ee Golaha Shacabka, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu noqonayaa Maamulkii ugu horreeyay ee qabta degaan doorashada labaad ee Golaha Shacabka.