Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta Muqdisho lagu qabanayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu qaban doonaa doorashada  seddex kursi, oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo matali doona Gobolada Waqooyi.

Doorashada ayaa si gar ah loogu qaban doonaa Dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Gen. Kaahiye, waxaana Musharixiinta iyo qaybaha kale lagu wargaliyay in ay soo xaadiraan xarunta lagu qabanayo doorashada Seddexda kursi ee Somaliland ku matali doona Baarlamaanka 11aad.

1: HOP238 oo uu hadda ku fadhiyo Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir

2: Hop0244 oo uu ku fadhiyo Saciid Maxamed Maxamuud Xayd

3:Hop037  oo ay ku fadhiso Huddo Axmed Cali.

Kuraasta Saddexda ah ee Guddiga doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ay doorashadooda horay u shaaciyeen ayaa waxaa ay kamid yihiin kuraasta uu muranka ka taagan yahay gaar ahaan kursiga sida weyn ay uga qeylo dhaamiyeen Boqor Buurmadow iyo Cabdi Xaashi ee Hop238 oo uu ku fadhiyo Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Maanta xiray qaar kamid ah Isgoysyada Muqdisho, sida Jubba, Soobe iyo guud ahaan waddooyinka gala Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.