Doorashada Kuraasta HOP#011 iyo HOP#063 oo Beledweyne ka socota.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban Heer Dowlad-Goboleed ee SEIT Hir-Shabeelle ayaa maanta Magaalada Beledweyne ku qabanaya Doorashada labo Kursi oo dib uga dhacay waqtigii loo qorsheeyay in la doorto

HOP#011 & HOP#063 oo ay isu diiwaangeliyeen 11-musharax ayaa lagu waday in xalay lagu doorto Magaalada Baladweyne balse duruufo uusan faah-faahin SEIT Hir-Shabeelle ayaa dib u dhigay in la qabto Doorashada labadaas kursi.

Hir-Shabeelle oo tijaabineysa doorashada tartanka furan ayaa diiwaangelisay 9 musharax oo dhammaantood damac ka leh HOP#063 waxaana kamid ah musharixiinta shahaadada qaatay Xildhibaankii ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad JFS ee Cabdullaahi Goodax Barre.
DG Hir-Shabeelle waxaa ku waqti dheeraaday soo gabagabeynta Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee isugu dul-furan Baladweyne oo deegaan-Doorashada labaad ah iyo Jowhar oo ah caasimadda Dowlad-Goboleedkaas.