Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka oo ka dhacday Jowhar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Magaalada Jowhar Maanta ku qabtay doorashada kursiga Hop#009, kaas oo kamid ah kuraasta ugu dambeeysa ee taallay Magaalada jowhar.

Kursiga ayaa waxaa ku tartamay Cali Xasan Ibraahim & Cabdisataar Cabdisalaann Xasan Barsane oo kursigaan horay ugu fadhiyay, balse waxaa ku guuleystay Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab)

Guddiga doorashooyinka hir-Shabeelle ayaa natiijada doorashada ku dhawaaqay ayaa sheegay in musharixiinta ay codad ay u kala heleen Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) 67 cod halka Cabdisataar Cabdisalaann Xasan Barsane uu helay 33 Cod, waxaana halkaabay hal cod.

Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ku dhawaaqay Natiijada doorashada ayaa shaaciyay in Cali Xasan loo doortay kursiga HOP#009, kaasi oo kamid noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Maamulka Hirshabeelle ayaa hadda waxaa ku harsan oo kaliya saddex kursi oo taalla Jowhar, wuxuuna Maamulkaas uu yahay midka kaliya ee aan weli soo dhammeeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka, iyagoo soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Magaalada Baladweyne.