Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta la qabtay Muqdisho

BAYDHABO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga Hop#154 oo doorashadiisa ay Guddiga doorahsooyinka Heer Federaal u dalabadeen in lagu celiyo.

Kursiga Hop#154 ayaa waxaa ku guuleysatay Sareedo Maxamed Cabdalla , kadib markii ay tanaasushay Nasteexo Maxamed Yuusuf oo la tartami laheyd, waxaana Xildhibaan Sareedo ay heshay dhamaan cododkii ergadii soo xaadirtay goobta qaab gacantaag ah.

Guud ahaan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo dhameystiray doorashada Xildhibaannada labada Aqal, waxaana ugu dambeeya kursiga Maanta doorashadiisa la qabtay oo ay kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.