Doorashada kursigii uu u tartami lahaa Sanbaloolshe oo dib loo dhigay

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Waxaa dib u dhac ku yimid doorashada kursiga Hop058  ee Golaha Shacabka, kaas oo Maanta la filayay in guddiga doorashooyinka Maamulka Hir-Shabeelle ay doorashadiisa ku qabtaan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ayaan weli shaacin sababaha dib loogu dhigay doorashada, balse Wararka waxaa ay sheegayan in uu is qabqabsi weli kajiro Ergada dooraneysa Kursiga.

Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in la qabto doorashada Kursiga Hop#058, waxaana ku tartami doona 7 Musharrax oo uu kujiro Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.