Doorashada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi oo la soo geba-gabeeyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgalinta doorashada labada gole ee gobollada Woqooyi ee {Somaliland} ayaaa maanta soo geba gabeeyay doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana uu noqonayaa guddigii ugu horreeyay ee doorashada gebagabeeyay iyadoo aan la gaarin waqtigii loo qabtay oo ah 25 bishaan.

Tirada guud ee Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ku matalaya Somaliland oo ah 57 xubnood ayaa lagu doortay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa soo billaabatay 1-dii Bishii November ee sanadkii tegay ee 2021, waxaana Xildhibaankii ugu horreeyay ee la doortay uu ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Maanta Saddexdii kursi ee ugu dambeeysay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa la qabtay, kaas oo ay kusoo baxeen laba Rag ah iyo Hal Dumar ah, kuwaas oo kala ah.

Kursiga Hop#243 oo uu horay isaga casilay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa doorashadiisa la qabtay, waxaana Maanta ku guuleystay Marwo Samsam Muxumed Cumar kadib markii ay tanaasushay Musharax Xildhibaan, Marwo Dallays Cali ibraahim, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay ay heshay 98 Cod waxaana ka aamusay laba Cod.

Kursiga labaad ee Hop#206 ayaa waxaa markale ku guuleystay Maxamed Ibraahim Cabdi oo horay kursigaan ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Musharax Xildhibaan, Marwo, Maryam ibraahim Cabdullaahi, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay uu helay 100 Ergo oo goobta doorashada ku sugneyd.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Gobolada Waqooyi oo ah Hop#259 ayaa waxaa markale ku guuleystay Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo kursigaan horay ugu fadhiyay.

Munaasabad lagu soo xirayay soo geba-gabeynta doorashada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo kuxigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay, isagoo dowlad-goboleedyada ku boorriyay inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan.