Doorashada Saddex kursi oo maanta ka dhaceysa Magaalada Jowhar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Maamulka Doorashada Hirshabeelle ayaa maanta la filayaa in magaalada Jowhar uu ku qabto doorashada Saddex kursi oo taala Magaaladaas.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa dhawaan lagu shaaciyay kuraastaan saddexda ah, balse Guddiga mid ka mid ah kuraastaas ayey soo saareen guddiga soo xulista ergada kaas oo ah Kursiga HOP#140.

Kuraasta la qabanayo doorashada maanta waxay kala yihiin:

1- HOP#024, 2-#HOP#140 iyo HOP##HOP#106.

Kuraastaan waxaa ku tartamayo musharixiin dhowr ah oo ay ka mid yihiin kuwa hore ugu fadhiyay kuwaas oo uu markale damac kaga jiro in ay kusoo laabtaan doorashada kuraastaas.

Sidoo kale, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Jowhar laamaha ammaanka ayaana sugayo goobta lagu qabanayo doorashada agagaarkeed, waxaana socda diyaar garow ku aadan doorashada kuraasta saddexda ah oo ka tirsan kuraasta Golaha Shacabka ee BFS.