DH/MAREEB-AYAAMAHA-Doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee degaan doorashadiisa tahay Galmudug ayaa Maanta oo sabti ah ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.
Kursiga doorashadiisa ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa tirsigiisu yahay HOP54, waxaana afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo kamid ahaa Golaha Shacabka.
Dhuusamareeb ayaa waxaa maalmo kahor ka dhacday doorashada afar Xildhibaan oo kamid noqonaya Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya, waxaana Xildhibaanadaas la doortay kamid ah Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Fareey.
Maamulka Galmudug noqday maamulkii koowaad ee si rasmi ah u bilaabay doorashada Golaha Shacabka oo walaac laga muujiyay qaabka ay ku bilaabatay, iyadoona Midowga Musharaxiinta ay doorashada socota ku tilmaameen mid boob ah.