Doorasho adag oo maanta ka dhacay Beledweyne iyo Goodax Barre oo wajahaya Musharixiinta Badan

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa Maanta Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku qabanaya doorashada laba kursi oo uu mid kamid ah ah doorashadiisa adag tahay.

Labada kursi ayaa waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku kala fadhiyay siyaasiyiin saameyn ku leh degaannada Hir-Shabeelle, waxaana kuraasta doorashadooda la qabanayo iyo musharrixiinta ku tartamaya ay kala yihiin.

Kursigaasi ayaa waxaa horay ugu fadhiyay Xildhibaan Cabdullaahi Godax Barre, iyadoo haatan ay isku soo taagen shaqsiyaad kale oo doonaya in ay ku guulaystaan Kursiga.

Sidoo akle waxaa la dooran doona kursiga kale ee Hope011, kaasi oo isagana ay ku tarmayaan labo Musharax.

Doorashada ayaa goordhaw billaaban doonta, waxaana hadda socda diyaar garowgeeda.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa weli doorashadw kuraas kamid ah Golaha Shacabka waxaa ay uga harsan tahay Magaaloyinka Beledweyne iyo Jowhar, waxaana la filayaa in Maalmaha soo socda la soo geba-gabeeyo doorashadooda.