Doorasho lasii ogyahay qofka ku guuleysanaya oo maanta ka dhaceysa Dugsiga Janeraal Kaahiye

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta lagu wadaa in dugsiga Tababarka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye in lagu qabto doorashada laba kamid ah kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka, kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi.

Xubnaha Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ayaa diiwaangeliyay Afar Musharax oo labada kursi ku tartami doona, waxaana musharixiinta labada kursi ugu caansan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka dalka Mahdi Guuleed iyo Biixi Iiman Cige oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay kursiga Golaha Shacabka.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi Axmed Safiina ayaa sheegay in labada kursi ay u codeyn doonaan 101 Ergo oo la soo xulay, kuwaas oo shalay tababar la xiriira doorashada lagu siiyay Magaalada Muqdisho.

Todobaadyada la soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi & kuwa Banaadiriga si Maamulada kale ee dalka kajira ay iyana doorashada ay u bilaabaan.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa la qorsheynayaa inuu ku guuleysto kursiga koowaad ee xildhibaanada aqalka hoose ee kasoo jeeda Somaliland.