Doorasho Maanta ka dhacayso Magaalada Dhuusamareeb.

Dhusamareeb -Ayaamaha-Waxaa maanta lagu waddaa in Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug lagu qabto doorashada labo kursi oo ka mid ah Aqalka Sare, kuwaasoo dhawaan uu shaaciyay liiskooda Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor.

Labada Kursi ee ugu dambeeyay ee  Aqalka Sare ayaa waxaa dooran doono xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug, waxaana lagu waddaa in doorashada maanta dhaceysa ay kusoo baxaan Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid iyo Cabdi Cismaan Xareed maadaama labada shaqsi ee la tartamaysa ay horay u aheyn musharaxiin ayna yihiin malxiisiiyiintii lagu yaqaanay doorashada.

Markii ay soo idlaato labadan kurisi ee maanta waxaa si buuxda loo dhameystiri doonaa 54 kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare,  iyadoo horey loo dhameystiray doorashada 52 kursi.