Doorasho malagu qabankaraa Baraawe, waa sidee xaalada Amni ee Degmada?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa gaaray magaaladq Baraawe ee caasimadda Koofur Galbeed, Madaxweyne Lafta Gareen ayaa hordhac u ah wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku sii jeeda Baraawe.

Magaalada Baraawe ayaa ka mid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashada Golaha Shacabka, waxaana safarka Ra’iisul Wasaaraha uu la xiriira kormeerka howlaha doorashada iyo diyaar garowga loogu jiro inay bilowdaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Magaalooyinka Baraawe, Beledweyne iyo Garbahaarey ayaa shaki weyn kajirta inay marti gelin karaan ama amniga ahaan doorashadu ay ka dhici karto iyo in Caasimadaha keliya lagu soo koobi doono.

Maamulada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle ayaa doonaya in doorashadda laga dhigo hal magaalo oo Caasimadaga Maamuladaas.