dowlad Goboleedyada loogu digay inay sameeyaan boob doorasho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya kana mid ah Xildhibaannada Aqalka sare ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorayooyinka & jadwalka doorashada ee dhawaan la soo saaray.

Cabdirashiid ayaa tilmaamay in jadwalka doorasho ee Golaha wadatashiga ay soo saareen uu yahay mid ay muhiim tahay in sidiisa loogu dhaqmo oo la dhaqan geliyo.

Waxa uu sheegay in dalkaan uu soo maray caqabado farabadan oo dhanka doorashada ah, balse haatan laga gudbay waxa kaliya la sugayo ay tahay inay howlaha doorashooyinka bilaawday.

Cumar ayaa uga digay madaxda dowlad Goboleedyada inay sameeyeen boob & musuq maasuq la xiriira doorashada Xildhibaannada labada Aqal oo uu sheegay inay beelaha, iyagu  leeyihiin, isaga oo dalbaday in loo qabto si xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyn Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in musuq maasuq ka dhasha doorashada ay dhaawaceyso sumcada doorasho, waxaana uu dalbaday in la sameeyo dad korjoogto u noqda doorashada.