Dowlad laga dalbadey inay mamnuucdo nigiska lasoo isticmaaley ee la keeno dalkaas.

Hey’ad aan dawli aheyn oo ka shaqeysa dalka Zambia, ayaa dalbatey in la joojiyo iibinta nigiska lasoo isticmaaley ee laga keeno dibadda.

Nelson Banda, oo ah madaxa hey’adda isku xirka horumarinta qaranka ee dhanka bulshada, ayaa sheegay in dharka ay u isticmaalaan dhanka hoose ragga iyo dumarkuba aanu isticmaali karin qof kale.

Inkastoo la mamnuucay sanadkii 2017-kii, saraakiisha ayaan hirgalin amarkii soo baxay, ee ku aadanaa joojinta soo waaridista, iyo iibinta dharka lasoo isticmaaley (Huudheyda), gaar ahaan caasimadda Lusaka.

Banda ayaa intaa ku darey in hoos gashiga lasoo isticmaaley uu yahay khatar weyn caafimaadka, uuna gudbin karo cudurada lagu kala qaado galmada iyo kuwa kale.

Ka ganacsiga dhanka lasoo isticmaaley, ayaa waxey shaqo abuur u tahay muwaadiniin fara badan oo u dhashey dalkan, kuwaasoo ka hela nolol maalmmeedkooda.