Dowlada Canada Oo Ku Amartay Muwaadiniinteeda Inay Deg-Deg Ah Uga Baxaan Itoobiya

Canada oo muwaadiniinteeda ugu baaqday inay ka baxaan Itoobiya
Canada oo muwaadiniinteeda ugu baaqday inay ka baxaan Itoobiya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowlada Canada ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku nool inay si deg-deg ah uga baxaan waddanka Itoobiya.

Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay waaxda socdaalka arrimaha dibadda dalka Canada waxa ay ku shaacisay in ay kooban tahay kaalmada safaarada ay siin karto muwaadineenteeda ku sugan Itoobiya gaar ahaan magaalada Addis Ababa.

“Hadii aad ku sugan tahay Itoobiya, si deg-deg ah dalkaas uga bax. Aad ayay u xaddidan tahay awoodda aan ku bixin karno kaalmada qunsuliyadeed” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Canada.

Dowlada Canada ayaa uga digtey muwaadineenteeda colaada sii kordheysa ee ka jirta Itoobiya.

“Ka fogow dhammaan safarrada Itoobiya, marka laga reebo kan lagu sii-maro garoonka caalamiga ah ee Bole, colaadaha qowmiyadaha, kacdoonka shacabka, colaadaha hubaysan ee ka socda waqooyiga dalka iyo khatarta ah inay ku sii fidaan meelo cusub digniin la’aan” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka Canada.

Jabhada TPLF ee ka soo horjeeda dowlada Itoobiya ayaa weli wada dagaalada ay kula jirto xukuumada Itoobiya waxaana laga cabsi qabaa in ay weerarto caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.