Dowlada Federaalka Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay Qaaraanka ay ku leeyahay Qaramada Midoobay

NEW YOR-AYAAMAHA-Xilli dhawaan Qaraamada Midoobay ay shaacisay in dalal ay kamid tahay Soomaaliya bixin qaraanka Qaraamada Midoobay ayaa waxaa hadalkaas faah faahin ka bixisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Danjiraha u qaabilsan Soomaaliya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Daahir Cusmaan “Abuukar Baale”  ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya laga soo bilaabo sanaskii 1989-kii ilaa 2017-kii aysan bixin Qaaraanka Xubinnimada Qaramada Midoobay, balse Soomaaliya ay intaasi u furneyd in ay Xubin ka noqoto Qaraamada Midoobay maadaama duruufo badan iyo dagaalo sokeeye ay ka dhaceen dalka soomaaliya.

Abuukar Daahir Cusmaan “Abuukar Baale”  oo la hadlay arintan ayaa sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii ilaa 2021 dowladda Soomaaliya ay bixineysay lacagihii leyska rabay sanad walbka oo dhan qiyaastii $37,000 ama $35,000 oo Dollar.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay ay wadahadal kula jirtay Guddiga u qaabilsan qaaraamaadka lacagta qaaranka sidii Soomaliya u heli laheyd in ay muddo qabsato si lacagaha lagu leeyahay loo biixyo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa aad loo hadal haayey lacagaha qaaraanka ah oo qaraamada Midoobay ku leedahay  dowladda Soomaaliya, xilli dhawaan Madaxweyne Farmaajo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo muuqatay fagaarayaasha Caalamiga ah, doorweyna ku leedahay howlaha Qaramada Midoobay.