Dowlada Federalka oo sheegtay inay xalin doonto khilaafka ka jira Beledweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Afhayeenka xukuumada Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa ka sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Feradaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu shaqsiyan u istaagi doono wax ka qabashada khilaafka ka jira gobolka Hiiraan.

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ka sheegay warkan shalay kadib kulankii ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran iyo Beesha Caalamka balse si faahfaahsan looma sheegin sida uu ra’iisul wasaaruhu ku xalinayo khilaafka ka jira gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa xaruntii maamulka gobolka Hiiraan la wareegay ciidamo ka soo horjeeda Maamulka Hirshabelle kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen uu booqanayo magaalada.