Dowladaha Maraykanka iyo Britain oo taageeray Shirkii uu ku baaqay RW Rooble

USA AND UK

MUQDISHO-AYAAMAHA-Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa taageertay shirkii uuu ku naaqay RW Rooble, kaddib qoraal rasmi ah oo barteeda twitter-ka ay ku faafisay.

Safiirka Britain u fadhida Soomaaliya, Kate Foster. Waxay sheegtay in shirkan muhiimka ah uu yahay halka lagu xallin karo cabashooyinka iyo arrimaha jira.

Dhankakale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu taageeray shirkii uu iclaamiyey ra’iisul wasaare Rooble, sidoo kale waxaa qoraalka walaac looga muujiyey khilaafaadka siyaasadeed ee madaxda ugu sareysa dalka.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku bilaawday, “Dowladda Mareykanka waxay taageereysaa baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee toddobaadkan oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya.”

Ra’isulwasaare Rooble ayaa dhawaan ku baaqay in 27-ka Bishan December oo ku beegan berri ay madaxda madasha wada-tashiga qaran isugu yimaadaan shir looga arrinsanayo dardargelinta doorashooyinka. Laakin, Madaxweyne Farmajo ayaa xalay isna dhankiisa uga dhawaaqay shir kaasi ka duwan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.