Dowladda caalamka oo cambaareyay dilkii Wariye Cabdi Casiis Afrika

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Canada ayaa si kulul waxaa ay u cambaareysay dilkii loo geystay Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed ( Afrika) oo ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho.

” Dhammaan saxafiyiinta waa in ay ku dhaqmaan iyada oo aan la faragelin, caga-jugleyn, hanjabaad, rabshad iyo aargoosi la’aan ayaa lagu yiri” qoraal kooban oo kasoo baxay Guddiga Sare ee Canada u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya.

Alle u Naxariistee Wariye C/casiis Maxamuud Guuleed ( Afrika) oo ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa habeen ka hor lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday, waxaana mas’uuliyadda dilkiisa sheegtay Ururka Al-Shabaab.

Alle ha u Naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) ayaa in ka badan 13 sano waxaa uu ka howlgalayay Warbaahinta dowladda, waxaana uu caan ku ahaa Barnaamijka Guungaar oo lagu wareysan jiray ragga kasoo goosta Al-Shabaab.