Dowladda Djibouti oo loo haysto dad rayid ah oo guryahooda lagala baxay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Jimciyadda Xuquuqal Isaanka ee Djibouti ayaa sheegtay in dabayaaqada todobaadkii hore dad badan oo rayid ah ay ciidamada nabadgelyada ee Djibouti ka soo qabqabteen woqooyiga dalka oo ilaa haatan meel ay ku xiran yihiin aan la ogyan.

Waxaana sida wararku sheegayaan dadkaa lagu xiray in ay qaraabo yihiin xubno ka tirsan ururka fallaagada ah ee FRUD ee dagaalka hubaysan kula jira dawladda.

Mahdi Samirre Suge oo ah gudoomiye ku xigeenka Jimciyadda Xuquuqal Insaanka Djibouti ayaa Axmednagaashe uga waramay eedaha ay dawladda u soo jeediyeen.