Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada oo soo saaray War-saxaafadeed wadajir ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warsaxaafadeed ay kasoo baxay Wasaaradaha Gar-gaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Heer Federaal, Heer Maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa looga hadlay xaaladaha Bini’aadannimo ee ka taagan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Waxaa ay ku sheegeen in kulankooda lagu gorfeeyay xaaladdaha Bini’aadanimo ee kasoo cusboonaaday goobo badan oo dalka ah, waxaana goobjoog ahaa Wasiiradda Gargaarka ee Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed, waxaa aaladda Fogaan-Araga ama Zoom-ka uga qeyb galay Puntland, Jubbaland iyo Gobalka Banaadir.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Falanqeyn iyo qiimeyn kaddib ay diirada  saareen sidii looga jawaabi- lahaa xaaladdaha Bini’aadanimo ay wajahayaan 7.7-Milyan oo qof oo Soomaali ah iyadoo la rumeysan yahay inay sababeen xaaladdaha soo  socda: