Dowladda federaalka Iyo Hirshabeelle Oo Ka Wada Hadlay Dhibaatooyinka Fatahaadaha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay qaar kamid ah Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ku sugan Muqdisho.

Kulanka Wasiir C/raxmaan Beyle iyo Wasiirada Hirshabeelle ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka fatahaadaha Webiga Shabeelle oo ka geystay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qoraal uu soo saaray Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayuu sheegay in kulan sidoo kale looga arrinsaday mideynta hannaanka dakhliga gudaha iyo mudnaanta gaarka ah ee maal-gelinta deegaanada Dowlad Goboleedyada dalka.

“Waxaa farxad inoo ah in aan ku soo dhaweynay maanta xarunta Wasaaradda Maaliyadda qaar ka mid ah Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Hirshabelle, wadahadal markuu daacad yahay had iyo jeer wuxuu u horseedaa guul iyo horumar” ayuu yiri Qoraal kooban oo bartiisa Facebook soo dhigay Wasiirka Maaliyadda.

Hirshabeelle ayaa horey Wasiir C/raxmaan Beyle iyo Wasaarado kale oo ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta ku eedeysay inay xayireen lacag farabadan oo loogu tala-galay wax ka qabashada fatahaadaha Webiga Shabeelle, balse Wasaaradda Maaliyadda ay beenisay eeda loo jeediyay.