Dowladda Federaalka & Maamulka Hir-Shabeelle oo kala qaaday Maleeshiyaad Maleeshiyaad

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Maleeshiyo beeleed hubeysan oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay deegaano hoostega Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo talaado ah la kala qaaday.

Dagaalkan dhexmaray maleeshiyaadka beeleedka ayaa salka ku haayay Arrimo la xiriira dhul-daaqsimeedyo, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah, lana gubay Guryo.

Dadaalo lagu soo afjarayay Colaada oo ay wadeen wafdi ka socda dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wasiirul dowladaha Cadaalada, Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka iyo xubno kamid ah Hirshabeelle ayaa booqday goobaha Maleeshiyo beeleedka lagu kala qaaday.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq ayaa sheegay in sirasmi ah u  kala qaadeen, isla markaana sidoo kale laga wada hadli doono waxa soo cel celiya colaada labada Beelood.

Degaannada ku yaal Waqooyi Galbees ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa kusoo laab laabtay dagaal Beeleedyada, waxaana dhowr jeer lagu guuleystay in heshiis laga gaaro balse markale uu dagaalka dhacay.