Dowladda Federaalka oo beegsi ku billowday shacabkii deganaa goobaha danta guud

Somali soldiers stand guard at the main gate of the presidential palace in Mogadishu, Somalia, Wednesday, July, 9, 2014. Somali troops retook the presidential palace in the capital of Mogadishu after militants forced their way in and exchanged heavy gunfire with troops and guards Tuesday, the latest attack underscoring the threat posed by Islamic extremist group al-Shabab in east Africa. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinka waxay barakin ku hayee shacabka danta yar ee dagan goobaha dowladu ay leedahay.

Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS waxaa ay ku wargalineysaa dadka degan dhulka war-laliska Radiomuqdisho ee ku yaala degmada Dayniile ee gobolka Banaadir in ay uga guuraan sida ugu dhaqsiyaha Badan.

Maamulka gobolka Banaadir iyo degmada Dayniile iyo taliska qaybta guud ee Booliska ayey wasaaradda ka codsatay in doorkooda ay ka qaataan sidii loo baneyn lahaa dhulka war-laliska Radiomuqdisho ee degmada Dayniile oo baahi degdeg ah u qabto wasaaradda.

Salay ayey aheyd markii shacab caraysan banaanbax ka dhigeen V-eejito ama ceelgaabta Xamarweyne halkaas Maamulka Gobolka Banaadir ay derbi ku wareejiyeen.