Dowladda Federaalka oo Ciidamo horleh u dirtaysa howlgalka ka socda Gobolka Hiiraan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa sacadaha soo socoda waxaa la filayaa in ay Ciidamo dheeraad ah ka dejiso degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kuwaas oo gurmad u noqonaya Ciidamada uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee howlgalka ka wada inta u dhaxeeysa degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ciidamadan oo u badan Miino baaris ay ka dalbadeen Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Saraakiisha Qeybaha 27aad iyo 21 aad iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo ku sugan degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Markii Ciidamada laga dejiyo degmada Guriceel ayaa la filayaa in la geeyo degmada Matabaan si ay qeyb uga noqdaan Ciidamada wada howlgallada la isugu furaayo waddooyinka ay mararka qaar weerarada ka fuliyaan Ururka Al-Shabaab ee kuyaalla Gobolka Hiiraan.

Ku dhawaad bil waxaa ka socda inta u dhaxeeysa Beledweyne iyo Matabaan howlgal leys kugu furayo labadaas Degmo oo inta u dhaxeeyso Al-Shabaab maamulaan, iyada oo shalay qarax iyo weerar toos ah lala beegsaday Ciidamada dowladda oo howlgal kujira.